U bood dhigaalka

Kalluumeysatada Gobalka Mudug Oo Dib u Shaqo Billaabay

Sheeko:Dalka

Ka dib caqabado badan oo soo wajahan Kallumeysatada Soomaaliyeed ee ku sugan gobalka Mudug ayaa waxaa u suurta gashay in dib ay u billaabaan shaqooyinkooda caadiga ahaa.

Cabdullaahi Faarax oo ka mid ah Kalluumeysatada ku sugan deegaanka Ceelhuur ee gobalka Mudug ayaa u sheegay Goobjoog News in ay billaabeen shaqadooda, ka dib markii in badan ay ka cabsan jireen maraakiibta shisheeye ee xaalufka ku hayay biyaha Soomaaliya.

Waxaa deegaankaasi soo gaartay Doon laga leeyahay dalka Yemen oo u baahan in laga Iibiyo Kalluun, taasna ay keentay in dhallinyaradii dhiiro gelin ay ka heleen inay badda ka shaqeystaan.

Waxa uu Cabdullaahi  sidoo kale sheegay in xilligaan ay aad u yaraadeen Doomihii iyo maraakiibtii kusoo dhawaan jiray xeebaha Soomaaliya si ay uga kalluumeystaan halkaasi.

“Ma arakin illaa hadda maraakiibtii iyo Doomihii badda jariifi jiray, laakiin waxaan aragnaa maraakiib dagaal oo NATO ah, rajadeena shaqo hadda wey fiican tahay, markii hore waxaa na saameeyeen burcad badeeda iyo dagaalladii ka socday Yemen, NATO waxba nama yeesho hadda, laakiinse waxay u yimaadaan doomaha oo su’aalo ayeey weydiiyaan” ayuu yir Cabdullaahi Faarax.

Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa inta badan dhibaato kala kulmi jiray maraakiibta shisheeye, iyadoo ay jiraan kallumeysato loo xiray burcad badeed ahaan.

Goobjoog News