U bood dhigaalka

Kalluumeysatada Hobyo Oo Loo Sameeyay Kaarar Aqoonsi

Sheeko:Dalka

Kalluumeysatada ku dhaqan degmada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa loo sameeyay Kaarar aqoonsi ah, si ay uga jallaabtaan xeebaha degmadaasi iyo meelaha ku dhaw.

Kaararkaan ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyay wasaaradda beeraha Galmudug iyo sidoo kale hay’adda FAO, iyadoo la sheegay in kaararkaan ay muhiim u tahay dhammaan dadka Kalluumeysatada ah.

Cabdiqaadir Qalab-xoor oo ah wasiirkii hore ee Kalluumeysiga Galmudug ayaa sheegay in howshaan Kaar sameynta ah ay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo gabagabeyn doonaan, sidoo kalena ay noqon doonto markii ugu horeysay oo aqoonsi sidaan ah la sameeyo.

Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi oo u hadlay hay’adda FAO ayaa isna dhankiisa sheegay in Kalluumeysatada ay si xur ah ku jallaaban karaan markii ay kaararkaan helaan, islamarkaana ciidamada ku sugan xeebaha Soomaaliya markii ay kaararkaasi arkaan aysan waxba u dhimeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tani ay sahli doonto arrinta ku aadan tababaro la siiyo dadka Kalluumeysatada ah iyo sidoo kale in la helayo meel loogu hagaago marka loo baahdo in qalab loogu deeqo.

Inta badan Kalluumesatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan xeebaha Hobyo waxa ay walaac ka muujinayeen maraakiib dagaal oo badda kasoo eryaya marka ay damcaan in ay halkaasi kasoo jallaabtaan.

Goobjoog News