U bood dhigaalka

Kalluumeysato Ajaaniib Ah Oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

Sheeko:Dalka

Ciidamada badda ee maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigey doon kalluumeysi oo la sheegay iney la socdeen shaqaale ajaaniib ah,  kuwaasi oo ku eedeysan in ay waxyeello u geysteen kalluumeysato Soomaaliyeed.

Doonidan oo ay la socdeen 12 shaqaale oo u dhashay dalka Yemen ayaa lagu qabtey xeebta degmada Eyl, kadib markii habeen kahor la tilmaamay iney dulmartay doonidaasi Laash yar oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo Kalluumeysato ah, ayna la socdeen Labo ruux.

Mid kamid ah kalluumeysatidii saarnaa Laashkaasi ayaa la la yahay halka midka kalena dhaawac.

Doonidan ayaa la sheegay in ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayesay xeebaha Puntland, waxaana shaqaalihii la socdey lagu hayaa deegaan ku dhow degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Weli maamulka Puntland faah faahin kama aanu bixin howlgalkaasi ay kusoo qabteen ajaaniibta u dhashay Yemen ee Kalluumeysatada ah.

Goobjoog News