Kalluumeysato Iiraan Ah Oo Lagu Dilay Xeebaha Soomaaliya

Burcad Badeed Soomaali ah ayaa weerar khasaare sababay ku qaaday Kalluumeysato u dhalatay dalka Iiraan, kuwaasi oo ka kallumeysanayay xeebaha Soomaaliya

Ku xigeenka madaxa ururka kalluumeysiga ee dalka Iiran ninka lagu magacaabo Ali Askar ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay Labo ka mid ah kalluumeysatada qaar kalena lagu dhaawacay weerarka.

Wuxuu intaas ku daray inay marar badan kula taliyeen kalluumeysatada inay u safraan xeebaha Soomaaliya si loo xaqiijiyo ammaankooda islamarkaana haddii ay Qatar arkaan ay kusoo wargeliyaan maraakiibta dagaalka ee dowladda Iiraan si loo badbaadiyo.

Ali Askar wuxuu sheegay in maraakiibtii ay wateen kalluumeysatada ay weli ku jiraan gacanta Burcabadeeda iyadoo uu tilmaamay in ciidamada ammaanka ee dalka Iiraan ay ka shaqeynayaan sidii loo sii deyn lahaa maraakiibtaas.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW