U bood dhigaalka

Kansar: Dilaa Nooga Daran Dagaallada Hubaysan!!!

Sheeko:Caafimaadka

Korriimada ay sameeyaan unugyada jirkeenna ayaa ka dhigan dhammaadka shaqooyin badan oo jirkeenna gudihiisa ka socdo, korriimada waxa ay martaa wadiiqooyin nidaami ah; billowga hore unugyada waa ay koraan, marka ay intii loogu talagalay ay gaaraanna waa la joojiyaa. Haddii uu mar kale dhaawac ku yimaado, waxaa lagu sameeyaa labo midkood: in la dayac tiro, ama in toos loo baabi’iyo.  Qaabka uu u korayo unugga, iyo xiriirka kala dhaxeeya unugyadii kaleba, dhammaan waa qaab nidaamsan.

Kansarku waa koox cudurro ah oo lagu garanayo in unuggu uu korriimo aan nidaam aheen sameeyo. Waa uu korayaa, mana lahan hab lagu joojin karo korriimadaas, waxaana  suurtagal  ah in uu ku faafo qaybaha kale ee jirka. Kansarka waxaa ka soo horjeeda burooyinka waaweyn, oo aan ku faafin qaybaha kale ee jirka.

Astaamaha iyo calaamadaha lagu yaqaan cudurkan waxaa ka mid ah buruq, dhiig bax aan caadi ahayn, qufac, miisaanka oo yaraada; iyo isbeddel ku yimaada dhaqdhaqaaqa mindhicirka. In kasta oo astaamahani muujin karaan Kansar, haddana cudurro kale ayaa ay xiriir la yeelan karaan. In ka badan boqollaal nooc oo Kansar ah ayaa waxyeello u geysta aadanaha.

Isticmaalka tubaakada ayaa sabab u ah 22% dhimashada ka dhalata Kansarka. 10% kale ayaa u sabab ah cayilka, nafaqa-darro, jimicsi-la’aan iyo cabista Khamriga oo xad-dhaaf noqota.

Waxyaabaha kale ee cudurkan keena waxaa ka mid ah caabuqyada qaarkood, iyo shucaaca iyo hawada oo wasaqeysan. Qiyaastii 5-10% noocyada Kansarrada waxaa sabab u ah cillado hidde ah oo laga dhaxlo waalidka.

Kansarka waxaa lagu ogaan karaa wareysiga iyo u kuur-galka calaamadaha muuqdo iyo kuwa uu bukaanku sheeganayo, ka dibna waxaa laga qaadayaa sawirro muujinayo meesha waxa ku jiro (Imaging), ugu danbeynna waxaa lagu xaqiijinayaa in dheecaan ama cad hilib ah laga jaro meesha uu qofku xanuunka ka sheeganayo, oo baaritaan lagu sameeyo (Biopsy).

Kansarrada badan ayaa looga hortagi karaa joojinta sigaar-cabidda, ilaalinta miisaanka caafimaadka leh, yaraynta cabista khamriga badan, cunista khudaarta iyo miraha, iska tallaalista cudurrada qaarkood ee faafa, yaraynta cunista hilibka badan, iyo ka-fogaanshaha isku-dhigidda badan ee iftiinka qoraxda.

Kansarka waxaa badanaa lagu daaweeyaa daaweynta shucaaca (Radiation), qaliin, daaweynta kiimiko (chemotherapy), iyo daaweynta la beegsanayo xannuunka iyo maaraynta astaamaha. Fursadda noolaanshaha bukaanka qabo Kansarka waxay ku xiran tahay nooca Kansarka iyo xadka cudurka uu gaarsiisan yahay billowga daaweynta.

Maanta oo kale Sannadkii 2017, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) waxa uu sheegay in qiyaastii 90.5 milyan oo qof  ay la nool yihiin cudurka Kansarka. Qiyaastii 14.1 milyan oo qof oo cusub ayuu ku dhacaa cudurka Kansarka sannad kasta. Taas waxa ay sababtay dhimashada 8.8 milyan oo qof. Qiimaha dhaqaale ee sannad walba ku baxa la-tacaalidda xannuunkan waxaa lagu qiyaasay $ 1.16 trillion USD, sida ay sheegtay warbixin soo baxday sannadkii 2010.

Sannadkii 2014-ka, ayaa waxaa ururka WHO laga soo xigtay in 5,400 oo qof ood Soomaali ah ay u dhinteen cudurka Kansarka, waxaana dadkaas u badan dumar oo tiradoodu ay gaaraysay 3200 oo qof. Taas ayaa kadhigan sadax jibaar dhimashada sanadkii 2016 ee ku dhintay dagaallada hubeysan kuwaas oo gaarayay 1400 oo qof  sida ay qortay Goobjoog News.

Warbixinta ayaa waxa ay soo bandhigtay sida ay ragga iyo dumarku ugu kala badan yihiin noocyada kala duwan ee Kansarka; waxaana la sheegay in noocyada ugu badan Kansarka ee ragga ku dhaca ay yihiin Kansarka sanbabada, Kansarka qanjirada burusteedka; iyo Kansarka dhuunta. Dumarkanna waxaa la xusay in noocyada ku dhaca ay ugu badan yihiin Kansarka naasaha,  kansarka ilma-mareenka; iyo Kansarka dhuunta.

Daraasada ayaa sidoo kale lagu xusay in Soomaaliya ay isugu darsan tahay sadax cilad oo weyn kuwaas oo ah: 1. Wacyi-galinta oo aad u yar. 2. Qalabka baaritaanka cudurka Kansarka oo aan dalka oollin. 3. Iyo daweynta cudurka oo aan dalka ka jirin.

W/q: Dr. Cabdifataax Barre

Bachelor of Medicine and Suregeey (MBBS) & Bachelor of Public Health (BPH) 

[email protected]Mogadishu, Somalia

La soo xiriir: [email protected]