U bood dhigaalka

Kansas: 3 Mareykan Ah Oo Lagu Helay Dambi Ah Inay Qarxin Rabeen Guryo iyo Masaajid Soomaali Leedahay

Sheeko:Dalka

Maxkamada ku taallo Kansas ayaa 3 Mareykan ah arbacadii ku heshay dambi ah inay qarax la damacsanaayeen guryo iyo masaajid Soomaalida ku leeyihiin halkaasi. Maxkamadda waxa ay falkaasi ku tilmaantay mid argigixiso.

3dan eedeeysane, waxaa kale oo lagu eedeeyay inay shirqool iyo ku xadgudub xuquuqda aadanaha la damacsanaayeen dhibanayaasha Garden City, Kansas.

Ragan oo kala ah Curtis Allen, Javin Wright iyo Patrick Eugene Stein, ayaa waxaa ay wajahayaan ciqaab gaareysa xabsi daa’in, waxaana la xiray 2016.

“Argigixisada, haddii Mareykan yihiin ama ajaanib waa in ay la hor isgaato” sidaasi waxaa weriyeyasha u sheegay garyaqaanka Stephen McElster

Goobjoog News