U bood dhigaalka

Karaash iyo Wasiir Dhabacanad Oo Shir Ku Kala Tagay

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka heleyno shirka dowladaha hoose ee Puntland oo ka socda magaalada Garowe, ayaa sheegaya in shirka ay isku maandhaafeen qaar kamid ah mas’uuliyiinta shirka ka soo qayb gashay.

Kulanka o uu shir guddoominayay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash, ayaa la sheegay in kulanka uu ka soo qayb galay wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Dhabanacad, taas oo keentay in madaxweynaha uu ka caroodo kulanka.

Karaash ayaa ku amray in wasiirka uu isaga baxo shirka, taas oo keentay in wasiirka uu shirka ka tago, horayna ay u raaceen xubna ka tirsan mas’uuliyiinta gobalka Mudug.

Khilaafka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo wasiirka arrimaha gudaha ayaa salka ku haayo, kadib markii Karaash uu xilka qaadis ku sameeyay wasiirka intii lagu guda jiray doorashada madaxweynaha Soomaaliya, xilligaas oo Karaash iyo madaxweynaha Puntland ay isku khilaafeen xilka qaadistaas.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa kamid ahaa musharixiin Muqdisho u soo doonatay in ay ku guulaystaan kursiga ugu sareeyo dalka ee Villa Soomaaliya.

Goobjoog News