U bood dhigaalka

Karaash Oo Deni Ku Eedeyay Jabinta Shuruucda Puntland

Sheeko:Amniga

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash ayaa war ka soo baxay xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in madaxweynaha Puntland amarkii uu ku diiday magacabiista uu sameeyay ay tahay wax baalmarsan sharciga iyo nidaamka Puntland.

Karaash ayaa sheegay in madaxweynaha inta uu ka maqan yahay deegaanada Puntland uu isaga xaq u leeyahay maamulidda iyo maareynta howlaha dowlad gobleedka Puntland.

“In qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha Dawladda Puntland uusan waafaqsanayn Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland maadaama uusan Madaxweynuhu hadda ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Dawladda Puntland sida ku cad Qodobka 7-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland oo dhigan sidan “ Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, Karkaar, Mudug, Heylaan, Sanaag” iyo Gobolka Gardafuu oo lagu ansixiyey lifaaq gaar ah” taas oo lagu soo koobay Dadka Puntland, Dhulka Puntland iyo Sohdimihiisa,” ayuu yiri Karaash.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dastuurka u dagsan Puntland uu dhigayo in deeganada Puntland ay yihiin qodoba ku cad dastuurka.
“Dastuurka Dawladda Puntland wuxuu Dal ku qeexayaa gudaha dhulka iyo sohdimaha Puntland sida ku cad Qodobadiisa kala ah, qodobka 9-aad, farqadiisa 2-aad, qodobka 103-aad, farqadiisa 4-aad, qodobka 105-aad, farqiisa 2-aad xarafka (b). Hadaba, mas’uul kasta oo Puntland ka haya xil dawladeed kuna dhaartay dhaarta dastuuriga ah ee ku cad qodobka 132-aad oo aan ku sugnayn dhulka iyo sohdimaha Dawladda Puntland, sida uu qabo Dastuurku qodobkiisa 7-aad ma dabakhi karo awoodaha iyo mas’uuliyadaha uu Dastuurku farayo maadaama uusan ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Puntland,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash.
Karaash ayaa sidoo kale sheegay in marka la dhaarinayo mas’uuliyiinta dowladda loo baahan yahay in madaxweynaha ama ku-xigeenkiisa mid la helo, isagoo daliishaday qodob dastuuri ah.
“Si la mid ah qodobada kor ku xusan, qodobka 132-aad wuxuu si cad u qeexayaa Dhaarta rasmiga ah ee Masuuliyiinta Dawladda sida Madaxweynaha iyo Madaxweynaha Kuxigeenka lagu dhaariyo, dhaartaas oo ah midda aan la’aanteed masuul xil qaban, gudanna karin, kana dhigan in masuul kasta oo lagu dhaariyo uu ilaaliyo, tixgaliyo isla markaasna ku dhaqmo oo dhawro dhartaas oo u dhigan sidan. “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, in aan ku dhaqmo Diinta Islaamka, Dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka.
Axmed Cismaan Karaash ayaa sidoo kale sheegay in uu ugu baaqayo madaxweynaha in uu ilaaliyo  dastuurka dowladda Puntland.
“Hadaba, qeexitaanada qodobada dastuuriga ah iyo ku-dhaqanka waajibaadka iyo awoodaha Dastuuriga ah ma aha kuwo sidii la doono loo fasiran karo. Sidaas awgeed, Magacaabistii Ma’suuliyiinta iyo Hawl-wadeenada Shaqaalaha Rayidka ah waxaan u maray nidaam sax ah oo waafaqsan Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland si gaar ah Qodobka 81-aad farqadiisa 1-aad iyo Qodobka 37-aad, farqadiisa 1-aad. Hadaba diidmada uu samayeey Madaxweynaha ka maqan dhulka iyo sohdimaha Puntland ma leh awood sharci waxayna baalmarsantahay Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland. Sidaas darteed Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha magacaaban waxay leeyihiin xaquuq sharci oo dastuuri ah,”

ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash.
Karaash ayaa ugu dambeyn faray mas’uuliyiinta la magacaabay in ay gutaan waajibaadkooda si waafaqsan dastuurka Puntland.
‘” Ugu danbayntii; Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda ay khusayso in ay u hoggaansamaan fulinta iyo dhaqangalinta digreetada sharciga waafaqsan, isla markaana ay gutaan waajibaadka ka saaran” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash.
Khilaafka cusub ee labada mas’uul ee ugu sareysa Puntland soo kala dhex galay ayaa salka ku haaya awoodaha maamulka Puntland kadib markii madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynanimada Puntland.
Goobjoog New