U bood dhigaalka

Kay oo Garoowe kula shiray odayaasha dhaqanka Puntland

Sheeko:War

Ergayga gaarka ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta Magaalada Garoowe kulan kula qaatay qaar ka mid ah odayaasha Magaaladaasi oo ay ka wada hadleen maamul goboleed loo sameeyo gobolada DHexe ee dalka.

Kulankan ayaa dhacay markii Nicholas Kay odayaasha uu ka socday in ay isugu yimaadaan kulanka lagu dhameynayo muranka maamulka Puntland ay ka keentay maamulka loo sameynayo gobollada Mudug Iyo Galgaduud.

Afhayeenka isimida maamulka Puntland garaad Cabdullaahi Cali Ciid ayaa sheegay in maamulkaasi uu yahay sida uu sheegay in mid baal marsan dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Kay ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe, halkaasina kula kulmay madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Qodobo ay ka mid ahaayeen xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayay isla jeex jeexeen labada masuul.

Safarka Kay ee Garoowe ayaa ka dhigan safarkii lixaad oo uu ku tago magaalada Garoowe tan iyo markii loo soo magacabay hogaanka xafiiska qaramada midoobey ee Soomaaliya.