U bood dhigaalka

Keating oo Bogaadiyey Geesinimada Saxafiyiinta Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

U astaynta maalinta saxaafada adduunka, Ergyga  Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa maanta bogaadiyey geesinimada iyo dedaalka  suxufiyiinta dalka.

“Waxaan soo dhaweynayaa boqolaal saxafiyiin Soomaali ah oo Gudanaya waajibaadkooda shaqo oo ay dhici karto iney halis la kulmaan mararka qaar,” ayuu yiri Keating. “Warbaahinta saxda ah ee madaxbannaan waa mid lagama maarmaan ka ah dhammaan bulshooyinka dimoqraadiga ah, waa habab muhiim ah oo lagu xoojiyo awoodda si loo xisaabtamo,” ayuu yiri. “Qeyb muhiim u ah saxafada  si ay u qabato shaqadooda waa in la soo afjaraa  dhaqanka ciqaab la’aanta , Nasiib darro, dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta way sii fidayaan.”

Xuska Sannadkan ah ee maalintan waxa hal-ku-dhig u ah ‘Isu dheelitirka awooda: Warbaahinta, Caddaaladda iyo kala danbaynta Sharci.’ hal-ku-dhigani wuxuu si gaar ah ula xiriira  Soomaaliya: sida laga soo xigtay guddiga fadhigoodu yahay New York ee Ilaalada Saxafiyiinta (CPJ), qofna looma hor keenin caddaalada dilka 26 saxafi muddo toban sano ah, iyo sannadkii saddexaad oo isku xiga oo Soomaaliya la siiyay rikoodhkii ugu xumaa ee dunida ee xalin  la’aanta dilalka suxufiyiinta sida ku cad tusmada dadka dambiyada gala ee ciqaabta ka baxsada ee warbixinta gudida ilaalada saxafiyiinta (CPJ) ee  2017.

Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta ee Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM), taas oo Mr. Keating hogaamiyo, ayaa diiwaan-galiyay xadgudubyada sii socda ee xuquuqda xorriyadda hadalka, oo ay ku jiraan xidhitaanka ama hakinta 14 warbaahineed oo ku yaala Soomaaliya intii u dhaxaysay Agoosto 2016 ilaa Maarso 2018 iyo xadhig aan sharciga waafaqsaneyn oo xabsi ku hayn 131 qof ah sababo la xariira xorriyadda hadalka ee isla mudadaas.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay xubnaha Baarlamaanka Federaalka in ay dib u bilaabaan wadahadalkooda ku aaddan dib-u-habeyn lagu sameeyay sharciga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee 2016-ka, isla markaana tixgelin siinayaan liiska wax ka badalka ee sharciga ee ay sanadkii hore u soo gudbiyeen ururada saxaafaddu.

UNSOM iyo Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa soo saari doona warbixin guud  sanadkan aakhirkiisa oo faahfaahinaya xayiraadda sii socota ee ku aaddan xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya maaddaama ay si wadajir ah u baahiyeen warbixintii 2016 ee xuquuqda xorriyadda hadalka.

Goobjoog News