U bood dhigaalka

Keating Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaalka Tukaraq

Sheeko:Dalka

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating ayaa ugu baaqay maamullada Puntland iyo Somaliland iney nabadda qaataan oo ay joojiyaan dagaalka Tukaraq.

Waxa uu tilmaamay Keating in Qaramada Midoobay ay ku baaqeyso in Labada dhinac ay wadahadlaan oo waxa jira lagu dhammeeyo miiska wadahadalka.

Xilligan ayuu sheegay in aanay habooneyn in la daadiyo dhiig, islamarkaana ahayn waqti la dagaallamo.

“Dagaalkan wuxuu sahlayaa in dad badan ay ka barakacaan guryahooda, inuu gaaro meello nabad ah” ayuu yiri Keating.

Keating ayaa Todobaadkii tagay wuxuu tagay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, wuxuuna maamullada ka jira halkaasi kala hadlay joojinta dagaalka Tukaraq.

Goobjoog News