Keating: Waxaan Dunida u Sheegeynaa In Soomaaliya Isku Timid Oo Shaqeysaneyso (Wareysi Gaar Ah)

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo wareysi gaar ah siinayey Goobjoog News, ayaa ka hadlay arrimo badan oo dalka ku saabsan.

Goobjoog News: Madaxweyne Farmaajo sanadkii uu shaqeynayey dib u qiimee maxuu qabtay?

Michael Keating: Waxyaabo badan oo muhiim ah ayaa dhacay ugu horeyntiim markii ugu horeysay April xukuumad ayaa la magacaabay, xiriirka madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha u dhexeeyana waxa uu ahaa mid aad u adag taas oo ah wax wanaagsan, tan Labaad waxaa laga hortagay Macluul 2017, sanad ka hor waxaan ka wal waleynay in ay gaajo u dhintaan boqolaal kun oo ruux taasina ma dhicin  sababteedana waxaa lahaa qeyb ahaan hoggaanka qaran ee dalka oo ay Soomaalidu leedahay, gaar ahaanna waxaa wax badan arrintaas loo tiirin karaa madaxaweynaha oo isagu ku dhowaaqay  xaalad degdeg ah oo musiibo qaran ah wax yar uun kadib markii uu madaxweyne dalka ka noqday, waxa ayna arrintaas gacan ka geysatay in lacag la yabooho oo aan uruurinno kadibna dadkii dhibaateysnaa la caawiyo.

Tan Saddexaadna waa qorshaha qaran ee horumarineed oo lagu dhaqaaqay Soomaliyana sanado ay la heyd, waxa ay dowladdiisu saxiixday sidoo kale qorsha ammanka qaran, kaas oo wali u baahan in la hirgeliyo, laakiin horumar laga sameeyey sidaa darteed waxaa jira waxyaabo badan oo wanaagsan oo la qabtay muddadii sanadka aheyd.

Goobjoog News: Golaha Ammaanka waxa aad ka hor sheegtay in dalku uu galay Fowdo bishii December oo dowladdu ay Xirtay siyaasi caan ah, la weeraray Guriga Mudane Baarlamaanka ka tirsan, eryiddii Duqii Muqdisho, waxaad xustay in arrimahaasi ay abuureen Mowjado Hor leh oo aad dowladda u aaneysay, makula tahay in taasi ay wax u dhintay xiriirkii dowladda kaala dhexeeyey?

Keating: Waxaan filayaa maya, dowladda waxaa iigala dhexeeya Heshiis wanaagsan kaas oo ah in ay ii sheegi karaan waxa ay rabaan, anna waxaan dhankeyga sameynayaa waxa ugu wanaagsan ee aan qaban karo si aan Soomaaliya u taageero. Xirrir wanaagsan oo furfurnaansho ku dhisanna waa muhiim, haddii aan dib ugu laabto hadalkeygii golaha Ammanka waxaan ka hadlay Labo shey,  mid waxa uu ahaa haddii aad akhrisay waxaan uga hadlay waxa ay dowladdu ku guuleysatay oo ay qabatay iyo caqabadaha ku hor gudban, tan Labaadna kadib hadalkaas waxaan iri tani waxa ay ka hadleysaa ajande ka weyn, markasta oo ay dhibaato dhacdo waxa aad u baahantahay in aad ogaato waxa sababay kadibna aad xaliso.

Tusaalle ahaan dowladda waxaa ay ka go’antahay madaxweyne Farmaajana waxa uu Addis Ababa ka sheegay todobaadyo ka hor in ay dowladdu la timi Istiraatiijiyo Lagula dagaalamayo musuqmaasuqa, taasna waxaan qabaa in ay yareeyneyso doorka lacagtu ay ku leedahay Siyaasadda taas oo ah wax adag in la qabto. Laakiin waxaan u maleynayaa taasi in ay tahay wax weyn. Waxaan sidoo kale aan u maleynayaa in dowladdu ay waddo qorshaha qaran ee dhanka ammaanka taas oo macnaheedu yahay in wax laga qabanayo ammaanka oo doorarka ay leeyihiin ciidamadu ay ciyaaraan sida Booliiska, Militariga, nabadsugidda iyo kuwa badda intaba. Taas oo mid kasta la fahmi karo waxa ay qabanayaan iyo sida ay u shaqeynayaan.

Tan kalena waa arrinta ku saabsan xisbiyada siyaasadda  oo aan hubo in ay dalka caawineyso.

Ma u maleynayo in ay Soomaaliya u baahan tahay in laga dhigo ajenda weyn sidii loo hor mari lahaa nolosha shacabka taas macnaheedu maahan ma siyaasiyiinta ayaa u dhaqmaya habab majaxaabinaya Awoodda calanka si ay u taageerto Soomaaliya, sidaa darteed waxaan rabnaa Soomaaliya in ay ku guuleysato waxa ay rabto.

Aniga doorkeyga iyo masuuliyaddeedu waxa ay tahay in aan dhiirageliyo waxyaabaha wanaagsan iyo sidii ay u dhici lahaayeen, waxaa sidoo kale aniga waajib uu iga saaranyahay in aan wax ka dhaho wixii haleynaya shaqadeeda ah isku dubaridka siyaasadda iyo tan maaliyadeed ee caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya waana taas waxa aan qabto maalinkasta taas ayaa ah shaqadeeda, aad ayeyna iigu adagtahay in shaqadaas aan qabto anoo daacad ka heyn waxa socda.

Goobjoog News: Dowladda Soomaaliya maxaa ku qasbay ogaantaa in ay isticmaasho falal fowdo ah mana kala hadashay arrimahaas?

Keating: Dowladda Soomaaliya waxa ay ii sheegtay in ay ku xalineyso dhibaatada jirta hab nabadeed, xaqiiqdiina bilihii ugu dambeyey waxaa la qabtay waxyaabo badan oo muhiin ah sida aad ka warheyso heshiiskii Ahlu-sunna waljamaaca iyo Galmudug, howl wanaagsan waxaa laga qabtay magaalada Gaalkacyo, dowladduna waa ay caddeysay in aysan fowdo wax ku raadineen arrintaasna waan ku taageernay waxaana rajeynayaa in dowlaaddu inta cashiradaa isku darsato ay u badasho ajende wax ku ool ah taas oo aan u arko mid aad u wanaagsan.

Goobjoog News: Ciidamada Soomaaliya ma qaban karaan shaqada AMISOM ay baneyneyso arragtidaada maadaama AMISOM ay sheegtay in bixitaankeedu bilaabanayo 2018?

Keating: Ciidamada Soomaaliya weli awood buuxda uma laha in ay ammaanka la wareegaan laakiin dowladdu waxa ay aad ula shaqeyneysa Midowga Afrika, waxa ayna leeyihiin xiriir aad u fiican iyo si la mid ah caalamka sidii loo hirgelin lahaa qorsha amman ee lagu heshiiyey iyo in la keeno qorshe ammaan oo ciidamada looga saarayo xaaladda ay ku jiraan si buuxda ay ammaanka ugala wareegaan taas oo u baahan Is faham siyaasadeed iyo Awood fulineed oo ah sida ay Soomaaliya shaqdeeda ku qabsan karto, taasna weli lama gaarin, Muqdisho sida aad ka warheysay waxaa kulan ku yeeshay guddiga qaran ee ammanka taas oo aan qiyaasayo in horumaro laga sameeyey dhanka amniga, marka in si tartiib tartiib ah ay Amisom ku baxdo waxaa lala xiriiri karaa in ciidamada dowladduna si tartiib tartiib ah ay u hormaraan, waana taa waxa hadda taagan sida loo horurmari karaa dhanka ciidanka si ay wadankooda ammaankiisa ula wareegaan waana in arrinkan lagawada shaqeeyaa sidii loo hirgeli lahaa lkn haddii aan su’aashaada ka jawaabo wali halkaa magaarin.

Goobjoog News: Waxaad dhowr jeer  sheegtay in AMISOM Soomaaliya waligeed aysan joogi doonin oo deg-deg loogu baahan yahay ciidamo Soomaaliyeed oo xoog leh, ma isleedahay beesha Caalamku Daacad ayey ka tahay dhismaha ciidamo Soomaaliyeed oo dalkooda la Wareega?

Keating: Marka aan leeyahay AMISOM waligeed Soomaaliya joogi meyso mana awooddo waa fariin aan siinayo shaqsiyaad sar sare oo an kuwa ciidamada ugu Tabarucay, Soomaaliya waxa ay rabaan in niyadda loo dhiso waxa kale oo ay rabaan in lagala shaqeeyo howlaha Socda  sidaa darteed AMISOM wax ay qaban kartaa doorkeeda ah xoreynta iyo nadiifinta Alshabaab waddooyinka muhiim ka ah, laakiin dadka la rabo in ay meelahaas haayaan waa dowladda iyo ciidamadeeda, marka su’aashaada ah beesha caalamka arrintaas raali ma ka tahay, haa , waxa adduunku uu rabo waa Soomaaliya oo qorshe la timaada oo ka dibna mas’uuliyadda dalkeeda la wareegta, sida aad ka warheyso AMISOM ma joogto Puntland, ma joogto Galmudug, waxa ay u badan tahay Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah, marka si loogu guuleeysto Ammaanka waxaa loo baahanyahay qorshe lala yimaado kaas oo ay qeyb ka tahay in la dhiso hey’ado dowli ah oo adag kuwaas oo taageeri kara dhinacyadda Cadaaladda iyo ammaanka, marka sidaas ayey howshu ku socon kartaa ammaankeedana Soomaalidu ula wareegi kartaa.

Beesha caalamkuna aad ayey u daneynee in Soomaaliya ay qorshahaan ku taageerto lkn waa in ay qorshuhu uu noqdaa mid Soomaali leedahay, Soomaali waddo kadibna lagu taageero.

Goobjoog News: Waxaan aragnaa ciidamo Qaramada Midoobay ay leedahay oo jooga dalal Afrikaan ah ma isleedahay waxaa la gaaray xilligii Soomaaliya la Keeni lahaa ciidamo wata magaca UN-ka?

Keating: Kani waa go’aan ay golaha ammaanku ay gaari karaan ee maahan mid aniga iga imaanaya laakiin mid ogoow waxa ay beesha caalamku rabto ma ahan ciidamo UN ee waxa la rabo waa in ay Soomalidu ammaankooda la wareegaan, taas ayaana ka roon in lagu tiirsanaado ajaanib, waa in ay Soomaalidu wax isku raacda heer fadaraal iyo heer gobol oo ay la yimaadaan qorsheyaal cad oo ay ku heshiiyeen beesha caalamku sidaas ayey rabtaa qof kastana saas ayuu rabaa.

Goobjoog News: Putland iyo Somaliland Xasaradaha ka Taagan ayaad ka hadashay gaar ahaan arrinta Gobolka Sool maxaad is leedahay waa ay kaaga aadantahay sidii colaaddaa loo dhammeyn lahaa?

Keating: Waxa aniga arrintan iiga aadan waa in colaadda u dhexeysa Puntland iyo Somaliland ay tahay war aan wanaagsaneen Labada dinac, dadka halkaas ku nool horayba waxa ay u dareemayaan in aysan helin taageeradii ay u baahnaayeen.

Nasiib xumo goobaha rabshaddu ay ka jireen waa deegaanno markii horeba abaartu ay aad u taabatay labada dhinac ee Somaliand iyo Puntland mana aheyn in ay ku fakaraan in ay is dagalaan halkii ay ku fakari la haayeen dagaalka ka dhanka ah Al shabaab, in ay shaqo u abuuraan dadkooda iyo horumarinta nabadda, marka waxaa muuqda in tani ay tahay arrin siyaasadeed, waana in lagu xalliyaa wadahadal nabadeed.

Waxa yididiillada leh ayaa ah in madaxweyne Farmaajo uu sheegay in arrintaas ay tahay in lagu xalliyo Is fahan iyo nabad halka madaxweynaha cusub ee Somaliland sheegayna waa in arrintaa wadahadal lagu xalliyaa, qilaafka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ma ah mid wanaagsan oo waxtar u keenaya dadka halkaa ku nool dib u dhac ayuuna sababayaa waana war aad u xun marka la eego ammaanka iyo fayo qabka dadka Gobolkaa ku nool.

Goobjoog News: Qaramada Midoobay waxaa la sheegaa in ay Soomaalida waxa ay rabto u yeeriso oo ay iyadu maamusho madaxda Soomaaliya, markastana rabitaankiina uun lagu shaqeeyo taas maxaad laga Jawaabeysaa Mudane Wakiil?

Keating: Waxaan rajeynayaa taasi in ay tahay aragti aan caadi aheyn oo ay dadka qaar qabaan Soomaaliya waxaan joognay tan iyo markii dalkani madaxbaanaadida Helay. Waxaan joognay iyadoo dalka ay ka jiraan dowlado taagdaran ama xittaa aysan jirini dowladi , laakiin sidaa xaalku maahan hadda, hadda waxaa jirta dowlad qorshe cad leh waana qorshahaas waxa aan rabno oo aan taageereyno, waxaan qiranahay in ay Soomaaliya ay dib isku dhiseyso si ay u qabsato waxa ay qaban karto, sida adeegyada Bulshada sida ciidamada ammaanka, waxa ay dowladdu helaysa daqli canshuur waxa ay soo jiidaneysaa maalgashato, waana hadafyada aan taageereyno ee iminka socda, waxaana si buuxda ugu sheegayaa dunidan in ay Soomaaliya isku timid oo ay shaqeysaneyso dabcan waaa ay jiraan caqabado badan laakiin waxaa caqabado ka horyimaada dal sida Soomaaliyo oo kale soo kabanaya.

Si marka loo eegi waxaa jira dhibaatooyin fiican ee ma ahan dhibaatooyin xun, Soomaalidana u sheegi meyno waxa ay qabanayaan ee waxa  aan leenahay sideyn wax u qabanaa si aan door wanaagsan u wada ciyaarno maadama aan Soomaaliya ka shaqeyneynay 56 sano qibradna aan arrintaa u leennahay oo waxaa aan rabnaa in aan ka qeyb qaadanno awood dhisidda ee maahan in aan Soomaaliya wax u yeerineyno,  mana aha go’aankeenna in wadanku uu fedaraal noqdo iyo in kale waa wax u yaalla Soomaalida.

Wareysi Qaade: Axmedweli Xuseen Maxamuud (Tifaftiraha Idaacadda Goobjoog)