U bood dhigaalka

Kenya: 22 ka tirsan Al-shabaab ayaan ku dilnay Buula Gaduud

Sheeko:Dalka

Sida ay qortay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua, ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay ku dileen 22 dagaalyahan oo ka tirsan xarakada Al-shabab dagaal ka dhacay deegaanka Buula Gaduud ee gobolka Jubbada hoose.

Afhayeen u hadlay gaashaandhiga Kenya David Obonyo ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay Al-shabab ka xoreeyeen sida uu yiri Buula Gaduud isla markaana ay burburiyeen baabuur ay lahaayeen hub iyo rasaasna gacanta ay kaga dhigeen.

“askari ka tirsan ciidamada Kenya iyo 3 soomaali ah ayaa ku dhaawacmay xilligii dagaalka uu socday ee aynu wadnay gulfka ka dhanka Al-shabab.” Ayuu yiri Obonyo.

Kenya ayaa aamisan in Buula gaduud ay ahayd halka laga soo qorsheeyo weerarada Al-shabaab ay kusoo qaadaan magaalada Kismaayo.

Ka saaritaanka Buula gaduud ee xarakada Al-shabaab ayaa imaaneysa xilli ciidamada huwanta ah ay Al-shabab kala wareegeen degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe 3-dii bishan , si lamid ah taasina shabaabku gacantooda waxaa ka baxday magaaladii muhiimada gaarka u lahayd ee Baraawe oo maalintii shalay ahayd ciidamadu ay xaqiijiyeen in ay gacan buuxda ku hayaan, balse Al-shabab wali gacantooda waxaa ku harsan Baar dheere, Diinsoor, Jilib, Bu’aale, Jamame.