U bood dhigaalka

Kenya: Dadweeynaha oo u dareeray goobaha codbixinta doorashada Madaxweynaha

Sheeko:Amniga

Dadweynaha Kenya ayaa saaka oo Talaado ah u dhaqaaqay goobaha codbixinta doorashada, si ay u doortaan madaxweynaha cusub ee dalka, kaas oo badali doona madaxweyne Uhuru Kenyata.

Shacabka ayaa safaf dhaadheer u galay sidii ay u dhiiban lahaayeen codka doorashada madaxweynaha iyo qaar kamid ah doorashada golaha deegaanka.

Uhuru Kenyata ayaa garab wayn u fidinaya musharax Raila Odinga, oo ah ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Kenya, halka uu si wayn uga soo horjeedo madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto.

Dadweyna gaaraya 22 milayn oo qof ayaa qaatay kaararka codbixinta sida ay sheegeen guddiga doorashada IEBC, kuwaas oo codadkooda dhiibanaya maanta oo Talaada ah.

Dhamaan ismaamulada dalka Kenya ayaa la dhigay sanaadiiqda codbixinta halkaas oo ay dadweynaha ka bixin doonaan codadkooda.

William Ruto iyo Raila Odinga, ayaa ah labada musharax ee doorashadaan sida wayn isugu haayo, waxaana la filayaa in labada mid kamid ah uu ku guulaysto xafiiska.

Goobjoog News