U bood dhigaalka

Kenya: Dhadhaab iyo Kaakuma Waxaa Loo Xerayaa Kama Dambeys, Mana Jiro Wada Hadal Dambe!

Sheeko:Amniga

Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa goordhow waxaa ay sheegtay in si kama dambeys ah u xiri-doonto xeryada qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma.

Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Okengo Matiang’i  ayaa ku war gelisay hey’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR in muddo 14 maalin ah gudaheed ay kusoo gudbiyaan barnaamij si kama dambeysa ah loo xirayo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya ayaa intaa ku daray in aanu furneyn wax wada hadal ah.