U bood dhigaalka

Kenya: Dib U Doorashadii Uhuru Kenyatta Oo La Laaley, Waa Ku Celis

Sheeko:Dalka

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay doorashada dib loo doortay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

6-da garsoore ayaa go’aankaasi ku gaaray si aqlabiyad ah maanta oo Jince ah, waxaana sababta lagu sheegay in guddiga doorashada ay ku guul-dareysteen qabashada doorasho sax ah oo xalaal ah, meelna looga dhacay dastuurka dalka Kenya iyo xeerka doorashada.

Waxaa go’aanka iska diiday garsoorayaasha Judges Ojwang iyo Njoki Ndung’u halka uu goobta uga maqnaa xanuunka dartiisa garsoore Mohammed Ibrahim.

Waa in doorasho madaxtinnimo la qabto muddo 60 malamood gudahood ah.

wararkan oo faah-faahsan kala soco, Goobjoog News