U bood dhigaalka

Kenya: Iney Ciidamadeenna Kasoo Baxaan Soomaaliya Waxaa Xadidaya Heshiisyada UNka

Sheeko:Amniga

Dalka Kenya ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamadooda ee Soomaaliya aaney shaqo ku laheyn rabitaanka Nairobi ama Muqdisho balse ay xadideyso heshiisyada caalamiga ah ee ay Kenya saxiixday.

Guud ahaan ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu xadiday heshiis ay saxiixeen guddiga hawlgallada ee loo soo gaabiyo MOCC kaas oo qalinka lagu duugay 2018-kii. 

Guddiga ayaa ka koobnaa mas’uuliyiinka ka socotay militariga iyo booliiska dalalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, dowladda federaalka ah, UN, beesha caalamka iyo guddiga nabadda iyo amniga midowga Afrika, ujeedka ayaa in heshiiiska lagu dhaqan geliyo 3 weji.

Arrimaha heshiiska ku jiray ee la xiriiray ladagaalanka Al-shabaab iyo isu furidda waddooyinka waaweyn ee dalka oo ahmiyad la siiyey waxaa la sheegayaa iney ka hartay qabashada magaalad Jilib.

Inkasta oo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo shacabkiisa u sheegay in dalkiisa ay sii joogayaan Soomaaliya inta nabad buuxda laga helayo hadana wararka ayaa sheegaya in Kenya aaney ka tilaabi Karin heshiiska qaramada midoobey ee ay xubinta ka tahay.

Waxaan la ogeyn in golaha ammaanka, midka midowga Afrika iyo hey’adaha ku shaqada leh ay wax ka badali doonaan heshiiska ay AMISOM ku baxeyso 2021-ka iyo in kale.

Goobjoog News