Ururuka Midowga Afrika ayaa dalalka Kenya iyo Itoobiya waxa uu ka codsaday in ay ugu deeqaan ciidamada AMISOM diyaarado dagaal oo ka qeybqaata howlgallada ay kula dagaallamayaan Xarakada Al-shabaab.
Qaraar kasoo baxay Midowga Afrika ayaa Labada dal looga dalbaday in diyaaradahaan ay u keenaan AMISOM inta ay ka meel marinayaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay Sagaal Helicopter iyo Seddax Diyaaradaha Miigga loo yaqaan oo la siin doono AMISOM.
“Waxaa u gudi doono diyaaradaha ay bixiyaan Labadaan dal waxaa dib usiin doono Qaramada Midoobay qeybteeda Saadka ee u qaabilsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qaraarka Midowga Afrika.
Diyaaradahan ayaa waxay ciidamada ka taageeri doonaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.
Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli dowladda Uganda ay ku weysay Laba diyaarad oo ay ugu deeqday AMISOM sanadkii 2012-ka, kadib markii ay ku burbureen dalka Kenya xilli ay kusoo wajahnaayeen Soomaaliya.
18-kii bishaan ayaa ciidamada Kenya waxay sheegeen in duqeyn diyaaradeed ay ku dileen madaxii sirdoonka ee Xarakada Al-shabaab inkastoo Al-shabaab ay taasi beeniyeen.
Goobjoog News