U bood dhigaalka

Kenya iyo Soomaaliya oo Isku Khilaafay Arrin Somaliland la Xiriirta, Akhriso Raaligelinta Nairobi!

Sheeko:Amniga

Xilli dhawaan uu soo noqday xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kadib doorashadii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa durba soo baxaya madmadow dhinaca diblomaansiyadda ah oo labada dal soo kala dhexgalay.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata oo muddo laba sano kabadan aan wax wadahadal ah la yeelan xukuumadda Muqdisho, ayaa dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo qayb ka ahaa xubna mas’uuliyiin ah oo lagu sharfay in ay ka soo qayb galaan munaasibadda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya.

Uhuru ayaa markii uu Xamar yimid waxa uu kulan doceed la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo iba fur u ahaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac ee Nairobi iyo Muqdisho.

Si kastaba iyadoo rajo wanaagsan laga qabay in uu dib u bilaabmo xiriirka iyo wadashaqeynta gobalka ee Soomaaliya iyo Kenya, ayaa waxaa markale shaki soo kala dhex galay labada dhinac.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata oo kulan wadatashi ah la qaadanayay Talaadadii todobaadkaan Safiirada dalkiisa jooga, ee ka socda dalalka ay saaxiibada yihiin oo ay Soomaaliya qayb ka tahay ayaa waxaa kulanka ka soo qayb galay safiir la sheegay in uu Kenya u fadhiyo Somaliland oo aan madax banaani rasmi ah ka helin Soomaaliya inteeda kale.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo kulanka Uhuru iyo safiirada ka qayb galay ayaa kulanka isaga baxay intii uu socday kadib markii uu kulanka uu ku soo biiray safiir la sheegay in Hargeysa uu u fadhiyo Nairobi.

Tarsan ayaa qaadhacay kulanka, iyadoo lagu sababeeyay in Somaliland ay weli kamid tahay dhulka Soomaaliya oo aanan wax badaxbanaani ah aysan ka qaadan.

Intaas kadib, Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Nairobi u dirtay, in ay ka warbixiso dhacdada iyo mansabka ay Somaliland kaga qayb gashay shirka Uhuru iyo Safiirada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya oo jawaab ka bixisay dhankeeda warka Soomaaliya iyo dhacdada shirka ayaa ka raalligelisay waxa dhacay.

Kenya ayaa sheegtay in ay qirayso, ixtiraameyso, madaxbanaanida iyo sharafka Soomaaliya, calanka Somaliland shalay uu ka soo dhexmuuqday shirka balse aan loogu talagalin.

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay ka xun tahay sida aan ku talo-galka iyo munaasibka ahayn ee calanka Somaliland uga soo dhex muuqday dhacdo sanadeedka diblomasiyadda. Wasaaraddu waxay kale oo rajaynaysaa inay dib u xaqiijiso aqoonsiga qarannimada hal dawlad oo federaal ah oo Soomaaliyeed iyo jiritaanka qaranka federaalka Soomaaliya.” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Dhankeeda Somaliland ayaa sheegtay in ay ka xuntahay talaabada uu qaaday safiirka Soomaaliya ee Tarsan, ay xustay in ay muujineyso cadaawad.

Haddaba, tani waxay si cad u muujinaysaa naceybka iyo cadaawada fog ee ay Soomaaliya u qabto Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkeeda.”ayaa lagu yiri qoraalka Somaliland.

Hadalka Somaliland ayaa intaas la sii raacsiiyay “Dowladda Somaliland waxay ka xun tahay tallaabada uu qaaday safiirka Soomaaliya, kaasi oo maanta si deg deg ah uga soo baxay qado diblomaasiyadeed. Soo dhaweynta ayaa waxaa sameeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana loogu talo-galay diblomaasiyiinta ku sugan Nairobi. Safiirka Soomaaliya ayaa uga tegay qadada sababo la xiriira aragtidiisa ku aaddan ka qaybgalka Somaliland ee xafladda,”.

Sikastaba Kenya ayaa xiriir dhaw la sameeysatay Somaliland, markii uu xumaaday xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Kenya.

WQ/ Abdirahman Sabriye