U bood dhigaalka

Kenya iyo Soomaaliya Oo Ka Wada-shaqeynaya Sii-deynta Dhakhaatiir La Afduubtey

Sheeko:Amniga

Labo dhakhtar oo Cuban jimcihii lagu afduubtay xadka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana socda dadaallo ay wadaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo lagu baadi-goobayo, laguna sii-deynayo.

Afhayeenka Boliiska dalka Kenya Charles Owino ayaa sheegay in Dabley wadata laba gaari oo Toyota ah inay joojiyeen gaarigii ay la socdeen labada dhaqtar iyo laba sarkaal oo Boliis ah xilli ay marayeen bartamaha magaalada Mandera.

Labadan dhakhtar ee la afduubtey waxaa ay qeyb ka ahaayeen ilaa 100 dhakhaatiir Cuban ah oo Kenya u yimid iney dadka ka caawiyaan xagga caafimaadka.

 

Dhakhaatiirtan waxaa ay gobolkan Mandera, kaas inta badan ay uga tageen dhakhaatiirtii joogtay arrimo la xiriira cabsi.

Goobjoog News