U bood dhigaalka

Kenya iyo Soomaaliya oo Saxiixday heshiis wada shaqeyn ah

Sheeko:Dalka

Kenya iyo Soomalaiya ayaa axaddii qalainka ku duugay heshiis wada shaqeyn ah, kaas oo xoojinaya xiriirka ka dhaxeeyay labada dal.

Dowladda  Federaalka ee Soomaaliya iyo dowladda Kenya, ayaa xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdey heshiis iskaashi oo labada dal ay dhinacyo badan uga wada shaqeyn doonaan.

Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga labada dal (Joint Commission of Cooperation (JCC) ayaa kaalin weyn ka qaadan doona xoojinta iskaashiga labada waddan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Dr Cabdisalaam Hadliye Cumar oo heshiiskan u saxiixay dhanka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax badan ka kororsan doonto heshiiskan.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskan oo markii ugu horeysey ay labada dal kala saxiixdeen sannadkii 2005, uu yahay mid shantii sannaba dib u eegis lagu sameeyo, si loo darso baahiyada muhiimka ah ee jira iyo wixii qabsoomay.

Dhanka dalke Kenya, waxaa heshiiskan u saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda Amina Mohamed Jibril, oo iyana sheegtay in labada dal ay isu baahan yihiin, wax badanna ay iska kaashan karaan.

Sida uu dhigayo heshiiska Guddiga Wadajirka ee Iskaashiga labada dal ayaa saxiixa wasiirrada kadib, ansixinta heshiiskan si uu dhaqan gal u noqdo, waxaa iska leh madaxweynayaasha labada dal. Waxaana mustaqbalka dhow la filayaa in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ay qalinka ku duugaan heshiiskan.

Goobjoog News