U bood dhigaalka

Kenya Oo Lacag Badan Ka Heshay Howlgalka AMISOM

Sheeko:Dalka

Kenya Lacag Badan Ka Heshay Howlgalka AMISOM

Dowladda Kenya Ayaa Ka Heshay 4.2 Billion Oo Lacagteeda Ah Hawlgalka Midowga Afrika Ee AMISOM Si Looga Taageero Dagaalka Ka Dhanka Ah Alshabab.

Kenya ayaa horay u fileysay inay hesho lacag gaareysa Sh6.4 billion laakiin ugu dambeyn waxaa soo gaaray 4.2 Billion taasoo ah lacag ka yar intii ay rajeynayeen.

Dagaalka ka socda dalka Soomaaliya ayaa darted dowladda Kenya waxay sare u qaaday inay muhiimad gaar ah siiso aminiga saddexdii sano ee la soo dhaafay waana iskuday ay ku dooneyso inay ka illaaliso xuduudeeda kooxaha islaamiyiinta ah laakiin waxaa muuqata in dagaalka Kenya ay kula jirto kooxaha islaamiyiinta ah uu ka dheeraaday intii ay qorsheysay ka badan taasoo keentay inuu saameyn ku yeesho dhaqaalaheeda.

AMISOM waa hawlgal nabad ilaalin oo ka ka socda midowga Afrika ina jooga Soomaaliya sidii ay u xasilin lahaayeen waxaana hawlgalku masuuliyad iska saaray inuu ka caawiyo Kenya dagaalka ka dhanka ah Alshabab lana siiyo miisaaniyad ay ku hawlgasho.

Goobjoog News