U bood dhigaalka

Kenya: Ma Jirto Diblomaasiyiin Soomaaliyeed Oo Aan U Diidnay Dal KuGalkeena

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay hadallo sheegaya in saraakiil ka tirsan garoonka magaalada Nairobi ay u diideen saddex qof oo Soomaali ah kuwaasoo haystay Passporka Diblomaasiga dal-ku-galka Kenya maalintii Isniinta.

Saraakiisha laanta socdaalka ayaa ka dalbaday saddexdaan qof ee haystay passporka diblomaasiga inay fiisaha dalka Kenya kasoo qaataan safaaradda Kenya ee Muqdisho. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya Monica Juma ayaa ka gaabsatay inay ka war-bixiso arrintan iyadoo sheegtay inaysan xog badan ka hayn arrintan laakiin sheegtay in qof dal-ku-gal sharci ah haysta oo loo diiday Kenya inaysan jirin.

U diiditaanka saraakiishan Soomaalida ah dal-ku-galka Kenya ayaa loo arkay in markale uu dib u soo laabtay qilaafkii u dhaxeeyey Kenya iyo Soomaaliya iyadoo ay jirto in wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal inay ku heshiiyeen bishii hore in la xasiliyo xiriirka labada dal kaddib murankii diplomaasiyadeed ee taagnaa muddada laba bilood ah kaasoo ka dhashay xudduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaan xaqiijineynaa rabitaankeenna xooggan oo aan ku xasilineynno xiriirkeenna waana mid aan ku heshiinnay, tillaabada ugu horreysa waxay ahayd in labadeenna safiir ay ku laabtaan saldhigyadooda,” Waa qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Xasaradda u dhaxeysa labada dal ayaa cirka isku shareertay bishii Febraayo kaddib markii xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Amb Macharia Kamau uu u yeeray safiirka Kenya ee Soomaaliya jooga isagoo sabab uga dhigay inay la tashanayaan safiirkooda sidoo kalena safiirka Soomaaliya lagu war-geliyey inuu dalkiisa ku laabta oo uu la soo tashado dowladda Soomaaliya.