U bood dhigaalka

Kenya: Ma Jirto Qorshe Ay Ciidamada Kenya Uga Baxayaan Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Lieutenant Colonel Meshack  Kishoyian,  oo ah taliya qeybta ciidamada lugta ee  Kenya oo fadhigooda yahay Kismaayo ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu weli yahay mid deggan.

Lt Kishoyian waxaa uu intaasi ku daray in aanu jirin qorshe ka bixitaan oo ciidamada Kenya, isla markaana ay sii wadayaan dhismaha amniga iyo xoojinta ciidamada Soomaaliya.

Labada dal ayaa maalmihii dambe waxaa xumaadey xiriirkooda kadib markii ay isku qabteen arrimaha badda, taas oo keentay in Kenya ay qaado talaabooyin ay ka mid ah iney Wajir u wareejiso diyaaradihii tooska u tagi jiray Nairobi iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed lagu adkeeyo Fiisaha.

 “Ma arkin wax caqabad ah, waxaa si caadi ah ula shaqeynayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa kale ee AMISOM” ayuu yiri.

 “KDF waa qeyb ka mid ah AMISOM, waxaa na xadido mandate iyo howl-gallo, waxaan ka shaqeynaa  Sector Six, wixii siyaasad ah siyaasad ayaa lagu xalin”.

Goobjoog News