U bood dhigaalka

Kenya: Muranka Badda Ee Nagala Dhaxeeyo Soomaaliya Waa In Wada Hadal Lagu Dhameeyo

Sheeko:Dalka

Kenya ayaa mar kale ka hadashay kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya iyo jawaabta ay arrintaasi ka bixisay.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai  ayaa sheegay in weli Kenya ay ka taagan tahay kiiska muranka badda eek ala dhaxeeya Soomaaliya meeshii ay horay uga taagneed.

Githu Muigai  waxaa uu intaasi ku daray in ay Kenya rumeysan tahay in wadahal wax lagu xaliyo oo aan maxkamad loo baahneen.

“Mowqifkeenna waxaa uu ku jiraa heshiiska qaramada midoobey ee  xeerka badaha iyo heshiisyo kale oo caalami ah iyo sidoo kale heshiisyada ay gaareen dalalka Afrika tan iyo 1964tii.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa 3dii sano ugu dambeysay ku murmayey badda, Soomaaliya ayaa sheegeysa in Kenya ay xoog ku heysato dhul uu shidaal ku jiro, oo ah xadka labada dal ee dhanka badda.