U bood dhigaalka

Kenya oo Al-shabaab ku Eedeysay Weerar Lagu Dilay Rayid oo Ka Dhacay Inta u Dhaxeysa Nairobi iyo Mandheera

Sheeko:Dalka, War

2 Rakaab ayaa dhimatay 3 kalana waa ku dhaawacantay kadib markii dalbey ay Wadada u galeen Bas iyo gaari xaamuul ah oo maraeyey inta u dhaxesya Kotulow iyo Ceelwaaq oo ka tirsan Waqooyi bari Kenya.

Baska waxa lagu magacaabaa Makka, waxaa uu kasoo baxay Magaalada Nairobi, Baska iyo Gaariga kale waxaa ay kusii jeedeen Mandheera.

Xiriiriya gobolka Waqooyi Bari Maxamud Saalax ayaa warbaahinta u sheegay in dadka dhaawamcay uu jiro darawalkii baska, lana weeraray 6:45 daqiiqo aroornimo, balse aanu istaagin.

“Dableyda hubeysan oo loo maleynayo Al-shabaab ayaa xabeeday Baska, halka Rakaab ah ayaa ku dhintay, darawalkii iyo rakaab kale ayaa ku dhaawacmay, Isgaoo intaa raaciyay in kooxdan ay weerarreen baabuur Xamuul ah, iyagoo ku dilay hal rakaab.