U bood dhigaalka

Kenya Oo Ciidamo Dheeraad Ah Geysay Gobolka NFD

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka NFD ayaa waxay sheegayaan in dowladda Kenya ay ciidamo dheeraad ah geysay gobolkaasi gaar ahaan  magaalada Mandhera iyo sidoo kale xadka aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tani ay uga golleeyihiin sidii loo xoojin lahaa adkeynta amniga Mandhera iyo deegaannada kale ee NFD.

Waxay saraakiishan ku sheegeen iney hayaan macluumaad ku aadan weeraro ay Al-shabaab la damacsan tahay deegaanno ka tirsan NFD.

Horey waxaa u jirtey digniin ah in Al-shabaab ay weeraro ka geystaan magaalooyin waaweyn oo ka tirsan Kenya, iyadoo dhanka kale la Bandow uu saaran yahay magaalada Mandhera iyo deegaannada kale ee hoosyimaada.

Al-shabaab ayaa xoojisey weerarada ka dhanka ah dowladda Kenya, wixii ka dambeeyay sanadkii 2011, markaa oo ciidanka Kenyan ah gudaha usoo galeen Soomaaliya.

Goobjoog News