U bood dhigaalka

Kenya Oo Dacwad Ka Dhan Ah Soomaaliya u Gudbisay UN Iyo AU

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay iyo sidoo kale midowga Africa u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Soomaaliya.

Moniko Juma oo ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in dacwaddaasi ku saabsan tahay muranka xuduudda ee dhanka Badda ah, layna gudbiyeen qariiradda xuduuddaasi waa sidey hadalka u dhigtaye.

“Si faragelin ugu sameeyaan xaaladda ka dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaan warbixin kooban ka siinnay” ayeey tiri Moniko.

Sidoo kale, haweeneydan ayaa sheegtay in wasaaraddeeda ay furtay wada-xaajood si loo helo bay tiri xal saaxiibtinimo oo ku aaddan muranka xuduud badeedka ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Murankan ayeey sheegtay in lagu xallin karo xilligan wada-xaajood, iyada oo rajeysay in xal loo heli karo.

“Waxaan aad u rajeeneynaa in wada-xaajood lagu xalliyo waxyaabahan innaga dhaxeeya innaga iyo walaalaheenna, waayo waxaa isku xiran danaheena mustaqbalka” ayeey tiri Moniko Juma.

Kenya ayaa isku dayeeysa in wadada maxkamadda cadaaladda laga leexiyo dacwadda dhanka badda, iyadoo dareemeysa in dacwaddan looga guuleysanayo maadaama dhulka Soomaaliya isku dayeeyso iney boobto.

Goobjoog News