U bood dhigaalka

Kenya Oo Dooneysa In Dacwadda Badda Ee Kala Dhaxeysa Soomaaliya Wada Hadal Lagu Dhameeyo Bedalkii Maxkamadda

Sheeko:Dalka

Kenya ayaa si rasmi ah u diiday muranka dhica badda ah ee kala dhaxeeysa Soomaaliya kaas oo ay horay Soomaaliya Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ugu gudbisay dacwad Kenya ka dhan ah.

Xeer illaaliyaha guud ee dalka Kenya Githu Muigai ayaa sheegay in dacwadda Soomaaliya ay horgeysay maxkamada caddaalada ay tahay mid sharci darro ah taas oo Soomaaliya ay ku dooneyso iney ku qaadato dhulbadeedka iyadoo aan mareyn nidaam sax ah.

Xeer illaaliyaha Kenya wuxuu sheegay inuu jiray heshiis labada dal horey u dhexmaray kaas oo dhigayey in arrinta qilaafka dhul badeedka lagu xaliyo wada xaajood oo aan maxkamad la horgeyn.

Wuxuu sheegay in haddii murankani la geeyo maxkamada ay noqoneyso in Soomaaliya ay si cad u jabisay heshiiskii ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya.

Xeer illaaliya Kenya wuxuu sheegay iney wanaagsan tahay in labada dal ay iyagu ka wada hadlaan muranka ka dhaxeeya oo aysan gaarin heer maxkamad iyadoo loo marayo ayuu yiri sharciga caalamiga ah.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in arrinta muranka lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamada iyadoo intaas ku dartay iney ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan All-shaabaab, waxayna sheegtay in la gaaray xilligii soomaaliya ay iska dhaafi lahayd  muranka ka dhaxeeya labadal iney u marto qaab maxkamadeed.

Kenya waxay ku eedeysay Soomaaliya inay dhinac aan wanaagsaneyn ka eegtay arrinta ku aadan muranka dhulbadeedka islamarkaana ay soomaaliya hilmaantay abaalkii Kenya u gashay Soomaaliya.

Somaliya iyo Kenya waxaa ka dhex jiray muran mudo dheer socday oo dhinaca badda ku saabsan iyadoo meelaha lagu muransan yahay ay ka buuxaan qeyraad isugu jira shidaal iyo Gaas.

Kenya waxay sheegtay in loo baahanyahay in Soomaaliya ay ka fikirto islamarkaana maxkamadda adduunku ay ka fikirto in Kenya ay Soomaaliya u dirtay askarteeda si ay gacan uga siiyaan dowlada Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Dowlada Kenya waxay sheegtay iney dhibane u noqdeen kooxo argagixiso ah oo weeraro ka geysta Kenya sababtaas oo Kenya ku sheegtay ciidamada ay u dirtay Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxay sheegeen in ay doonayaan maxkamadda inay ku qasabto Labada dal in xal ay ka gaaraan murankooda iyadoo aan maxkamad Lahore geyn kiiskooda.

Goobjoog News