Kenya Oo Dowladda Faransiiska Ka Dalbatay Ka Qeybqaadashada Dadaallada Nabadda Soomaaliya

Madaxweynaha  dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku booriyey Fransiiska inay taageeraan dadaalada nabadeed ee lagu xasilinayo gobolka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Kenya ay ka rajeyneyso wadamada saaxiibka la ah inay iska kaashadaan wax ka qabashada iyo horumarinta ammaanka gaar ahaan wadamada Koofurta Sudan, Somalia iyo Burundi.

Madaxweynaha Kenya oo ka hadlayey kulan uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Fransiiska ayaa sheegay iyadoo isla goobta laga caddeeyey inuu jiri doono shir IGAD ay isugu imaan doonto magaalada Addis-ababa dabayaaqada Todobaadkan iyadoo sida la sheegay shirkaas ay ka soo bixi doonaan arrimo badan oo gobolka dani ugu jirto.

Madaxweyne Kenyatta oo ka hadlayey arrinta Koofurta Sudan ayaa sheegay in gobolka looga baahan yahay iyagoo kaashanaya beesha caalamka inay mawqif adag iska taagaan xaaladda dalka Koofurta Sudan .

Uhuru Kenyatta mar uu ka hadlayey arrinta Soomaaliya wuxuu walaac ka muujiyey arrinta dhimista mushaaraadka la siiyo ciidamada AMISOM ee Soomaaliya nabad ilaalinta u jooga.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka fransiis Ayraulty ayaa dhankiisa sheegay in Fransiisku uu ka taageerayo Kenya iyo wadamada deriska dadaalada lagu xasilinayo nabadda gobolka.

Wasiirku wuxuu ku ammaanay Kenya doorkeeda ay dib ugu soo celineyso xasiloonida iyo dib u dhiska wadamada Soomaaliya iyo Koofurta Sudan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW