U bood dhigaalka

Kenya Oo Fursad Cafin Ah Siisey Dhallinyarada Ka Tirsan Al-shabaab Ee Dalkeeda Kasoo Jeeda

Sheeko:Amniga

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay cafis u fidineyso dhallinyarada dalkaasi ee ka midka ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Maxamed Biriq oo ah isku duwaha amniga gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in dhallinyarada gobolkaasi si gaar ah uga soo jeedda haddii ay isku soo dhiibaan muddo Saddex bil ah la cafinayo.

Waxa uu sheegay Biriq iney ka warhayaan dhallinyaro deggan gobolka Waqooyi Bari Kenya, kuwaasi oo ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

“Farriintaan waa iney gaartaa dhammaan dhallinyarada gobolka Waqooyi bari ee ka midka ah Al-shabaab, Saddex bil gudaheeda ciddii isku soo dhiibto waa la cafinayaa, waana fursad ee haka faa’ideystaan” ayuu yiri Maxamed Biriq.

Dhanka kale, Biriq ayaa fariin u direy shaqaalaha dowladda ee gobolka Waqooyi Bari kuwaasi oo shaqdooda ka maqan sababo amniga la xiriira, wuxuuna tilmaamay haddii aanay imaan iney ka tashan doonaan.

“Waxaan u sheegeynaa shaqaalaha dowladda iney xarumahooda kusoo laabtaan kuwooda maqan, haddii ay sii maqnaadaan waanu ka tashan doonnaa” ayuu yiri Biriq.

Waxaa la aaminsan yahay dhallinyaro badan oo Kenyan ah iney ka mid yihiin dagaalyahannada Al-shabaab, qaarkoodna ka dhex dagaallamaan Soomaaliya, halka qaarkoodna ay gudaha dalka Kenya ku sugan yihiin.

Goobjoog News