U bood dhigaalka

Kenya Oo Golaha Ammaanka Ka Dalbaneysa Joojinta Qaraarka Lagu Dhimmayo Tirada AMISOM

Sheeko:War

Dalka Kenya ayaa sheegay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey u gudbin-doonnaan in laga laabto dhimmista tirada ciidamada AMISOM ee jooga gudaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Monica Juma ayaa sheegay in deggenaashiyaha iyo horumarka Soomaaliya ay fure u tahay nabadda iyo horumarka Kenya iyo gobolka, taasina waa tan keentay in cod firfircoon ku lahaadaan caalamka.

Iyada oo taasi laga amba-qaadayo ayey Kenya ka dalban-doontaa sidii looga noqon lahaa go’aanka ah in la dhimmo tirada AMISOM ka jooga Soomaaliya.

“Sii-jooginka AMISOM waxaa ay ku sheegeen in ay wax badan ka qaban-doonto in Al-shabaab laga saaro dhulka ay heystaan” sidaasi waxaa tiri Dr. Juma.

Dhinaca kale, Kenya ayaa raadineyso in kursi aan joogta aheyn ku yeelato golaha ammaanka, horay labo mar ayey heshay 1973-1974 iyo1997–1998.