U bood dhigaalka

Kenya oo Hor Istaagtay Gargaar u Socday Doolow, Gedo.

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa gawaari gargaar cunno ahi  u sidday gudaha Soomaaliya ku xayirtay dalkeeda, gawaaridan ayaa la sheegayaa in ay u socdeen gobolka Gedo.

Odayaasha Baladxaawo oo  Goobjoog News la hadlay ayaa  sheegay in dowladda Kenya ay Mandheera ku qabsatay baabuur u rarnaa hay’ado samafal ah raashinkaasi oo loo waday dadka ku nool degmada Doolow ee Gedo.

Odayaasha ayaa intaa ku daray in Kenya ay baabuurtaasi ku heysato Mandheera isla markaana ay sheegtay in ay u rarnaayeen Xarakada Alshabaab.

Kenya ayaa dhibaato adag ku heysa deegaano ka tirsan Gedo, waxaa jirto dhibaato iyo duqeyn ay ciidamada Kenya ka wadaa gudaha Soomaaliya.

Goobjoog News