U bood dhigaalka

Kenya Oo Hub-Ka Dhigis Ku Bilowday Deegaanka Waqooyi Beri Kenya

Sheeko:Dalka

Booliiska Kenya ayaa hub ka dhigis ku bilaabay qabaa’illada Soomaalida ee deggan waqooyi beri dalka Kenya gaar ahaa dadka deggan xadka.

Arrintan ayey sheegeen saraakiisha deegaanka in looga gol-leeyahay sugidda ammaanka.

Iskuduwaha gobolka  Mohamud Saleh ayaa waxaa uu sheegay in uu rumeysan yahay in hub badan uu ku jira gacan qaldan isla markaana loo adeegsan karo weeraro ay kooxda Al-shabaab soo qaado.

“Waxaa ku amarnay ciidamada xoogga dalka in ay hub ka dhigis ka bilaabaan deegaannada Mandhera” sidaa waxaa yiri Salix

Isagoo intaa raaciyay in dowladda aaney ka laba-labeyn dooni isticmaalka xoog haddii aaney xoogahaas isdhiibin, waxaa kaloo uu carabka ku adkeeyay in aan la ciqaabi doonin inta iska dhiibta hubka.

Goobjoog News