U bood dhigaalka

Kenya Oo Joojisay Dulimaadyadii Kaga Imaan Jiray Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Dowladda Kenya ayaa  xaqiijisay in dhamaan ay hakisay duulimaadyadii kaga imaan jiray Soomaaliya, xilli xukuumadda Muqdisho ay iyana adkeysay xayiiradda qaadka Kenya .

War-saxaafadeed kasoo baxay waaxda duulista hawada ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in hawada Kenya ay soo geli karin diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya .

Go’ankan ayaana dowladda Kenya Faahfaahin aysan ka bixin, iyadoo war-saxaafadeedka ku sheegtay in kaliya ay aqbalayaan diyaaradaha ha’yadaha gargaarka iyo duulimaadyada qaabilsan gurmadka deg deg ah ee caafimaadka ee ka imaanaya Soomaaliya.