U bood dhigaalka

Kenya Oo Ka Digtay Kororka Tirada Dadka Ay Saameysay Abaarta

Sheeko:Amniga

Tirada dadka Kenya ee ay saameynta ku reebtay abaarta ku dhufatay qaybo ka tirsan gobalka geeska Afrika ayaa muddooyinkii la soo dhaafay sare u kacday.

Dadka ay abaarta saameysay ayaa gaaraya 4.1 milyan bishaan, halka ay ahayd bishii hore ee May 3.5 milyan, sida ay sheegtay maamulka maareynta abaaharaha ee Kenya NDMA.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in dadka abaarta ay saamaysa ay badankoodu ku sugan yihiin gobalada kala duwan ee dalka Kenya.

Ismaamulada kala ah Laikipia, Mandera, Marsabit, Wajeer, Isiolo iyo Samburu, ayaa lagu soo waramaya in ay ka jirto xaaladda ugu daran ee abaarta, taas oo foodda u saaran in ay isku badasho macluul.

War ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in dadka ay abaartu saameysay ay aad u sii kordhayaan muddaba mudada ka dambeyso.
“Nafaqo-xumo ba’an ayaa sidoo kale laga soo sheegay gobollada oo dhan iyadoo 942,000 oo carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 6-59 bilood ay hayso nafaqo-xumo ba’an iyo 134,000 oo xaaladood oo haween uur leh ama naas nuujin ah ay hayso nafaqo-darro ba’an oo u baahan daaweyn,” ayay tiri hay’addu.

Goobjoog News