U bood dhigaalka

Kenya Oo Ka Digtey Weeraro Al-shabaab Ka Geystaan Mandheera

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa ka digtay suurtagalnimada weeraro ay dagaalyahannada Al-shabaab ka geystaan magaalada Mandheera ee gobolka NFD.

Waxay dowladani sheegtay iney jirto cabsi ku aadan weeraro ka dhaca Mandheera iyo sidoo kale magaalooyin kale oo Kenya ah.

Sarkaal sare oo u hadlay Kenya wuxuu sheegay in heegan buuxa la geliyey ciidamada ammaanka ee dalkaasi, si ay uga hortagaan qataraha Al-shabaab.

Dhanka kale, wararka ka imaanaya magaalada Lamu ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay isaga barakaceen shacabkii ku dhaqnaa, kuwaasi oo ka baqaya in dhibaato ay kala kulmaan Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ka dhanka ah Kenya, tan iyo sanadkii 2011-kii xilligaa oo dalka ay soo galeen ciidamo ka socda dalkaasi.

Goobjoog News