U bood dhigaalka

Kenya oo Ka Shakisan in Weerarkii Mandheera Ay Geysteen Dhalinyaro Deegaanka Ah

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin u hadashay dowladda Kenya ayaa sheegtey in weerarkii shalay lagu qaaday koox dad ah oo ka shaqeeya godadka carro kaawada ee lagu dhiley illaa 13 qof, 10 kalana lagu dhaawacay ay ka dambeeyeen dhalinyaro deegaanka ah oo Alshabaab duufsatay.

Maxamed Saalax oo ah isku xiraha dowladda dhexe iyo maamulada gobolada ee Kenya ayaa sheegey in ciidamada ay isku weer ka qabteen deegaanka oo dhan, baarisna lagu hayo arrin, isaga oo sheegey in dadk falka geystey laga yaabo in ay shacabka ku dhex dhuumanayaan, lana soo qaban doono.

“Waxaan u maleyneysaa in dhalinyaradani la duufsaday ee Mandheera ee ku dhex nool bulshada ay ka dambeeyeen falka, oo aysan ahayn Alshabaab kasoo taloowdey xudduuda dhankeeda kale, waxayna u egtahay in uu yahay qorshe si wanaagsan loo abaabuley, loona fuliyey” ayuu yiri Maxamed Saalax.

Ciddina ma aysan sheeganin weerarka, waxayna wararka qaar sheegayaan in ay geysteen illaa 20 nin oo hubeysan.

Goobjoog News