U bood dhigaalka

Kenya Oo Ku Celisay Inay Xireyso Xeryaha Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay xirayso sanadkan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab isagoo ku sheegay arrintaasi sababo la xariira Qatar ammaan oo Kenya uga imaan karta xeryahaas.

Qarmada Midoobay iyo dowladaha reer galbeedka ayaa ka digay in si qasab ah loo celiyo qaxooti tiradoodu tahay 350,000 kuwaas oo weli ku nool xerada baaxadda weyn ee Dhadhaab ee ku taalla waqooyi bari dalka Kenya waxayna intaas ku dareen inay tahay xadgudub ka dhan ah shuruucda caalamiga ah ee qaxootiga.

Mr Ruto oo ka hadlayey shir looga hadlayo arrimaha bini’aadanimada kaa oo ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa ku dhaliilay beesha caalamka inay ku guuldareysteen Soomaaliya oo ah waddan weli ka soo kabanaya fowdadii bilaabatay sanadkii 1990-kii.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto wuxuu sheegay in xeryaha qaxootiga ay qatar muuqata ku hayaan Kenya isagoo ku dooday in weeraradii loo geystay Westgate iyo jaamacadda Garissa ee dadka badani ku dhinteen laga soo qorsheeyey xeryaha Dhadhaab.

William Ruto wuxuu hoosta ka xariiqay in xeryahaas ay noqdeen goobo dadka lagu baro afkaarta mititnimada islamarkaana laga askareeyo dad badan oo Al-shabaab ay ka mid yihiin kuwaas oo qatar ku ah adduunka oo dhan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News