U bood dhigaalka

Kenya Oo Lacag Dul Dhigtay Madaxa Afar Ruux Oo Lala Xiriirinayo Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Booliiska Kenya ayaa maalintii shalay ahayd waxay lacag dhan 8 Milyan oo Kenya Shilin ah dul dhigeen Afar ruux oo looga shakisan yahay Xarakada Al-shabaab kuwaasi oo sawiradooduna la soo bandhigay.

Afarta ruux ee dowladda Kenya madaxooda lacagta dul dhigeen ayaa lagu kala magacaabay Cabdullaahi Diyat, Idiris Isaaq, Axmed Aweys iyo Muuse Shide.

Taliyaha ciidanka Booliska Kenya Joseph Boinnet ayaa sheegay in afartan qof ay ku lug lahaayeen weerarkii  November 2014 ka dhacay Mandera ee lagu qaaday bus, weerarkaas waxaa ku dhintay in ka badan 28 qof iyo weerarkii kale ee isla Mandheera ka dhacay December 2014 kaas oo lagu qaaday dad qodayey carro kaawo.

Boinnet waxaa uu intaa raaciyay in kooxdan ay weeraro ka fuliyaan magaalooyinka Mandera, Waji iyo  Gedo .

“Waxaa laga yabaa in ay la socdaan koox kale iyo dad jecel kooxdaan, waxaana la rumeysan yahay in ay hubeysan yihiin oo khatar yihiin” ayuu sidoo kale sheegay.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in shaqsi walba la dul dhigay lacag dhan 2 Milyan oo Kenya islamarkaana la siin doono cid walba oo soo hesha macluumaadka dadkaasi ee sahlaya in gacanta lagu dhigo.

Goobjoog News