U bood dhigaalka

Kenya oo Qaadday Xayiraadda Duulimaadyada

Sheeko:Amniga

Dowladda Kenya ayaa qaadday xayiraadda ay saartay diyaaradaha rakaabka Soomaalida ee aadi jiray ama ka iman jiray dalkeeda.

Qoraal loo diray wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in la iska kaashado arrimaha Covid 19.

Arrimahan ayaa imaanaya iyada oo iskeed ay horay kenya u xirtay duulimaadyada taasi oo ku qasabtay Soomaali badan iney maraan dhanka Itoobiya, lacagtana ay noqoto lab-jibaar.

Goobjoog News