U bood dhigaalka

Kenya oo Qiratay in Arday Badan Ku Biireen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxa Militariga Kenya Samson Mwathethe  ayaa waxaa uu ka digay Ardeyda ku biiraya Xarakada Al-shabaab.

“ Dhamaanteen, gaar ahaan waalidiinta, waa in aan hubbinaa in aan la shaqeyno maamulka Iskuulada si aan uga hortagno in Caruurta noqdaan Xagjir ama lagu daro kooxaha Argagixisada”. sidaa waxaa yiri Gen Mwathethe.

Samson Mwathethe  waxaa uu sheegay in Dhalinyarada si fudud loo duufsan karo waayo Al-shabaab sida uu sheegay waxaa ay aad u adeegsadaan Baraha Bulshada.

“Inagoo dagaal kula jirna Argigixisada, ma aha in aan iloowno saameynta Baraha Bulshada iyo Tecknolojiyadda, kuwaas oo saameyn nagu yeeshay”ayuu intaa ku daray.

“Caruurteena waxaa Maskaxda looga qabsaday dhambaallo argigixiso oo la doonayo in Maskaxdooda lagu dooriyo”Gen Mwathethe  ayaa hadalkaas ka jeediyay Xaflad lagu Maamuusayey Maalinta Ciidanka KDF.

Maanlintaas oo lagu  Maamuusayaey Ciidamadii Kenyaanka ahaa ee ku dhintay Soomaaliya waxaa laga xusay guud ahaan dalka Kenya, Gen Mwathethe iyo Ciidamadiisa waxaa ay soo bandhigeen tirada iyo Magacyada Askartii uga dhimatay gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Kenya waxaa ay Soomaaliya soo galeen October 2011, ilaa 4,000  oo ciidamada Kenyaan ah ayaa ka joogo gudaha Soomaaliya kuwaas oo ka tirsan Ciidanka AMISOM.

Goobjoog News