U bood dhigaalka

Kenya oo sheegatay in ay dishay Madaxii Sirdoonka Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Talista ciidamada qalabka ee Kenya ee loo yaqaano KDF ayaa khamiistii sheegay in ay duqeyn ku dileen hogaamiyihii sirdoonka Al-shabaab Mahad Karatee February 8, 2016-kii.

Warbixin ay soo saareen KDF ayey ku sheegeen in Mahad lala dilay illaa 10 kale oo ka tirsan hogaamiyeyaasha Al-shabaab.

Mahad Karate oo sidoo kale loo yaqaano Abdirahim Mohamed Warsame waxaa ay Kenya ku eedeysay in mas’uul uu ka ahaa weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo lagu dilay 150 ruux.

Mahad Karate waxaa kaloo ay Kenya horay ugu eedeysay  dilal qorsheysan oo ka dhacay Soomaaliya, kenya iyo dalal kale iyo weerarada is qarxinta.

Dowladda Mareykanka ayaa Mahad dul dhigtay illaa 5 Milyan oo dollar, waxaa kaloo ay ku dartay liiska argigixisada.

Xarakada Al-shabaab weli kama hadlin dilkan ay sheegayaan KDF in ay dileen hogaamiyeyaashooda.