U bood dhigaalka

Kenya Oo Sheegtay Ciidankeeda Kala Baxayso Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Ciidankooda ka jooga Soomaaliya ay dib ula bixi doonaan sababo la xiriirta Mushaar la’aan.

Waxa uu tilmaamay in ciidanka Kenya aysan helin xuquuqda ciidan ee dhanka mushaarka ah oo ay helaan ciidanka kale ee ka socda Midowga Afrika.

Waxa uu tilmaamay inay ka qeyb qaateen nabadeynta Soomaaliya, dagaallana ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab oo uu sheegay inay qatar ku yihiin gobolka.

Sidoo kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in midowga Yurub ay %20 dhimis ku sameeyaan qarashaadkii ay siinayeen ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga askar lagu sheegay tiro ahaan 3,664 kuwaasi oo intooba badan ku sugan gobollada Jubbooyinka.

Goobjoog News