U bood dhigaalka

Kenya Oo Sheegtay In Ay Xirtay Rag Lala Xiriirinayo Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Laba Nin oo u dhashay dalka Tanzania kuwaasi oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Wasiirka Arimaha gudaha Kenya Joseph Nkaiserry oo saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in ciidamadooda ay Labadaan nin kasoo qabteen deegaan u dhaw Xadka ay la wadaagaan Tanzania.

Waxa uu xusay wasiirka in Ragaan markii la qabanayay ay dumar badan ka dhaadhicinay in ay ka mid noqdaan Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Sabtidii waxaan xirnay Laba Nin oo Tanzania u dhashay, kuwaasi oo laga soo qabtay Migori, waxay ku howlanaayeen Tashkiilinta Haweenka si ay uga mid noqdaan Al-shabaab, Maxkamad ayaana lasoo taagi doonaan Isniinta soo socota” ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya.

Ugu dambeyn waxa uu Joseph Nkaiserry sheegay in ay xoojiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, islamarkaana ciidamada ammaanka iyo dadka shacabka ah ay iska kaashanayaan sidii loo heli lahaa xog walba oo ku saabsan Al-shabaabka Kenya ku sugan.

Goobjoog News