U bood dhigaalka

Kenya Oo Sheegtay In Ciidankeeda Kala Baxayso Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ka jooga Soomaaliya uu dhowaan kala bixi doono.

Waxa uu sheegay in kulan uu la yeeshay madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu kala hadlay suurtagalnimada sidii ciidamadiisa ugala bixi lahaa Soomaaliya.

Waxa uu xusay uhuru kenyata in Soomaaliya ay xad wadaag yihiin islamarkaana waajib uu ka saaran yahay iskaashiga amniga, iyo in laga wada shaqeeyo guud ahaan gobalka sidii nabad loogu soo dabaali lahaa.

Uhuru Kenyata ayaa tilmamay in ciidamadiisa sanado badan ay joogeen Soomaaliya waqtigaanna y tahay xilligii dalkooda ay ku laaban lahaayeen.

“Soomaaliya wax badan ayeey ciidankeenna joogeen, waana xilligii ay dib ugu soo laaban lahaayeen dalkooda” ayuu yiri Kenyatta.

Sidoo kale, Kenyatta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala hadli doonaan suurtagalnimada sida ciidanka dalkiisa ka socda looga saari lahaa Soomaaliya oo uu sheegay in xilligan uu qarash aad u badan kaga baxo.

Ciidamada Kenya ayaa gudaha usoo galay Soomaaliya sanadkii 2011, kadib markii dalkaasi ay ku bateen afduubyada loo geysanayey ajaaniibta u dalxiis tagta halkaasi.

Goobjoog News