U bood dhigaalka

Kenya Oo Sheegtay In Saacado Kadib Ay Bilaabayaan Howlgallo Ka Dhan Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in saacadaha soo aadan ay Kenynta Boni ee ismaamulka Lamu ka bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Agaasinka dhanka howlgallada ee Kenyta Boni, Joseph Kanyiri ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay Bambooyin ku garaaci doonaan meelaha ay dagaalyahannada uga sugan yihiin Kenytaasi.

Waxa uu sheegay in shacabka gaar ahaan xoolo dhaqatadaba ugu baaqayaan iney ka fogaadaan Kenyta si aanay duqeymaha u saameyn.

Joseph ayaa si gaar ah u sheegay in shacabka ay Kenyta ka fogaadaan 48 saac ee soo aadan, wuxuuna tilmaamay ciddii ammaradan ka madax adeegta ay ula dhaqmi doonaan sida Argagaxisada waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dagaalyahannada ku sugan Kenyta Boni ayaa kordhiyey weerarada ka dhanka ah dowladda Kenya, iyadoo marar badan ciidamada dalkaasi ay halkaa howlgallo ka fuliyeen.

Goobjoog News