U bood dhigaalka

Kenya Oo Sheegtay Inay Dishey Sarkaal Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dishey sarkaal sare oo ka tirsanaa xarakada Al-shabaab kadib howlgallo ay sameeyeen ciidankeeda.

Booliiska dalkaasi ayaa sheegay inay dileen Jumca Maxamed Jakarta oo loo yaqaanay Modi Tulia kana mid ahaa Al-shabaab.

Waxay tilmaameen inay howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Kwale ay ku dileen sarkaalkaasi.

Saraakiisha Booliiska Kenya ayaa sheegay in ninkan la dilay uu dhawaan tababaro culus ku qaatay gudaha Soomaaliya, dibna ugu laabtay dalkaasi.

Sidoo kale waxay ciidanka Booliiska ay xabsiga soo dhigeen Labo nin oo la sheegay inay la dhasheen shaqsigan la dilay.

Goobjoog News