U bood dhigaalka

Kenya Oo Sheegtay Inay Diyaarisay Xabsiyo u Gaar Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ay xabsiyo cusub ay ka fureen dalkaaasi kuwaa oo lagu xirayo Al-shabaab iyo dadka looga shakiyey xagjirnimo.

Madaxweynaha oo ka hadlayey xaflad tababar loogu soo xirayey ciidamo ka tirsan kuwa asluubta Kenya ayaa talaadadii shalay ahayd sheegay inay Kenya lahayd Xabsiyaal badan sida xabsiga la yiraahdio Kamiti Maximum ee ku yaalla Nairobi iyo kuwo kale, balse hadda ay kusoo kordhiyeen xabsiyo loogu tala galay in lagu xiro dadka looga shakiyey argagaxisanimmada.

“Waxaan soo kordhinnay xabsiyo lagu hayn doono dadka lala xiriiriyo xagjirnimada, sababtoo ah dadkaasi laguma xiri karo xabsiyada caadiga ah, mana rabno inay fikradahooda ku faafiyaan masaakiinta maxaabiista ah ee ku xiran xabsiyada caadiga ah”

Kenya ayaa dagaallo kula jirta Al-shabaab, waxaana jira dad badan oo ku xiran xabsiyada dalkaasi, kuwaa oo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Goobjoog News