U bood dhigaalka

Kenya Oo Sheegtay Iney Dishey 70 Ka Tirsan Dagaalyahannada Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisey weerar ay Xarakada Al-shabaab Jimcihii shalay ku qaadeen saldhig ay ciidankooda ku leeyihiin deegaanka Kulbiyo ee gobolka Jubada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda difaaca ee dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in ciidankooda ay iska difaaceen weerarkii Al-shabaab ee qaraxyada ku bilowday.

Waxaa lagu sheegay qoraalkan in ciidamada Kenya ay ka dhinteen 9 askari, 15-kalena ay ka dhaawacmeen, halka ay tilmaameen in Al-shabaab ay ka dileen 70 ruux.

“Al-shabaab waxay isku dayeen iney gudaha u galaan xerada hase yeeshee ciidamada oo diyaar ahaa ayaa iska difaacay, waxaana halkaasi kaga dilney 70, waxaana dhankeena ka geeriyootey 9” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda difaaca ee dalka Kenya.

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu beeniyey in Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta saldhigga ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubada Hoose.

Al-shabaab ayaa shalay weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah waxay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Kulbiyo ee Jubada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaare kala duwan geystay.

Goobjoog News